Home wararka caalamka Galmudug iyo ximin & xeeb oo kulan ku dhexmaray muqdisho akhriso waxyaabihii...

Galmudug iyo ximin & xeeb oo kulan ku dhexmaray muqdisho akhriso waxyaabihii kasoo baxay kulankan…

4

Afhayeenka maamulka Ximan Iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo goor dhow la hadlay Idaacada Galmudug ayaa ka war bixiyay fadhi ay mas’uuliyiin ka socotay maamulka Ximan Iyo Xeeb iyo Galmudug ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

 

 

 

Afhayeenka waxa uu sheegay in ay in kulanka ay uga hadlaayeen sidii loo soo gaba gabeen lahaa wada tashiyada maamuladaasi ee kaga aadan maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya.

 

 

 

Afhayeenka waxa uu intaasi hadalkiisa ku daray in labada maamul ee Ximan Iyo Xeeb iyo Galmudug maal mihii ugu dambeeyey ay wadeen sidii loo soo dhisi lahaa maamulka gobolada dhexe waxana uu shaaca ka qaaday in mar dhow uu shirka maamul u sameyntaasi ka furmi doono magaalada Cadaado.

 

 

Dhinaca kale afhayeenka waxa uu xusay in ay labada maamul isla garteen in aysan dib u soo laaban dagaalada beelaha dega gobola dhexe ku dhex mara Galgaduud.

10 ku laabo mudug24 xiriir

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here