Home Wararka Somaliya Xal laga gaaray Gadood ay Sameeyeen Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee Gaalkacyo ku...

Xal laga gaaray Gadood ay Sameeyeen Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee Gaalkacyo ku sugan

0

Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xal laga gaaray lana qanciyay ciidamo katirsan Daraawiishta maamulka Galmudug oo gadood ka sameeyay lana wareegay kastam canshuuraha lagu qaado.

Ciidamada gadoodsan oo ka cabanayay mushaar la’aan soo wajahday ayaa la wareegay kastamka Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidankan dhoor maalin joogeen kastamkaasi ay lacagaha ka qaadanayeen.

Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug ayaa ku guuleestay in ciidamada laga saaro kastamka magaalada Gaalkacyo ayna dib ugu laabtaan saldhigyadii markii hore kasoo baxeen.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa loo balan qaaday in la dhageesan doono tabashadooda lana siin doono xaquuqdooda, waxa ayna ciidamada aqbaleen in ay ka tagaan kastamka ayna dib ugu laabtaan xeryahooda .

Ad
Previous articleCiidan ka Socda Amison oo la geeyay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb
Next articleYaa Lagu Eedeeyay Dagaalkii Maanta ka dhacay Duleedka Degmada Kaaraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here