Home Wararka Maanta Fanaan caan ah oo toogasho lagu dilay, xili uu ku sugnaa goob...

Fanaan caan ah oo toogasho lagu dilay, xili uu ku sugnaa goob uu ka ciyaarayey (Sawirro)

0

Fannaanka u dhashay Mareykanka ee caanka ku ah heesaha Raabka, ka tirsanaan jiray kooxda Migosbandhas ayaa toogasho lagu dilay.

Dilka fannaankan ayaa ka dhacay magaalada Houston ee gobolka Texas sida ay tebisay warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka.

Booliska ayaa sheegay in Takeoff la dilay aroornimadii maanta oo Talaado ah, waqtiga Mareykanka, waxaana socda baaritaan la xiriira dilkaas.

Fannaanka oo 28 jir ahaa ayaa magaciisa rasmiga ah waxaa la oran jiray Kirshnik Khari Ball.

Qiyaastii 50 qof oo isugu yimid meel uu ku ciyaarayay Kirshnik Khari Ball ayaa waxaa mar qura si lama filaan ah rasaas ugu furay qof ka mid ahaa dadkaas.

Fanaanka ayaa isla goobta ugu geeriyooday rasaasta haleeshay awgeed, waxaana kala cararay dadkii daawanayey ciyaartiisa markii la maqlay rasaasta, waxaana socda baaritaan la xiriira cida geysatay dilka fanaankan.

Ad
Previous articleTJeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo shaaciyay tirada xubnaha Al Shabaab looga dilay Masaajid Cali Gaduud
Next articleXasan Shiikh oo ka qayb galay furitanka Shir-madaxeedka J/Carabta(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here