Xilli Maanta xildhibaano ka Tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Loo diiday inay galaan Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa si Kulul uga Hadlay Arintaas Xildhibaanada Mucaaradka ah.
Kulan ay Maanta Ku yeesheen Muqdisho xildhibaanadii Laga Ganaaxay Fadhiga Muddo 5 kulan ah iyo Kuwa Taageersan Intaba waxay Gudoomiye Mursal ku eedeeyeen inuu u dhaqmay si Sharci dara ah.
Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris Ganey oo Ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana Maanta Kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Gudoomiye Mursal uu Xildhibaanada ula dhaqmay sidii Shabaabkii oo kale
Ad