Home Wararka Somaliya Jubbaland Doorashada 16kii kursi ee Garbahaareey oo Ceelwaaq loo Wareejiyay

Doorashada 16kii kursi ee Garbahaareey oo Ceelwaaq loo Wareejiyay

0

Wafdi kasocda Jubbaland ayaa isku diyaarinaya tagida magaalada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, halkaas oo ay Jubbaland doonayso in ay ku qabato doorashada 16 Kursi oo deegaan doorashadoodu ahayd magaalada Garbahaaray.

Xubnaha tagaya Ceelwaaq oo katirsan golaha wasiirada kana soo jeeda deegaankaas ayaa utagaya sidii ay u diyaarin lahaayeen goobta doorashada, sugida amniga oo ay iska kaashanayaan ciidamada Kenya & Jubbaland iyo xulida Ergada codeynaysa.

Ilo wargal ah ayaa xaqiijinaya in Jubbaland diyaarisay liiska 16 xubnood oo noqonaya mudanayaal baarlamaan iyo 16 Malxiis siyaasadeed oo diyaarado looga geyn doono Ceelwaaq-Soomaaliya.

Saaxiibada Axmed Madoobe ee kasoo jeeda Gedo ayaa qaarkood walaac kamuujinaya tagida Ceelwaaq, iyagoo cabsi ka qaba in ay Kuraas aysan kaheli karin, maadaama aan cidna tagi karin.

Ad
Previous articleGalmudug oo ka Hortimid Go’aanka jadwalka ay Soo Saareen Gudiga Doorashooyinka Heerfederaal ee Dhaarinta Baarlamaanka 11naad
Next articleNin Dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo Ganacsade ahaa oo Lagu Xukumay Xun Adag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here