Home Wararka Caalamka Dowlada Etoobiya oo Duqayn lagu Hoobtay Ka Gaysatay Gobalka Tigreey(Sawiro)

Dowlada Etoobiya oo Duqayn lagu Hoobtay Ka Gaysatay Gobalka Tigreey(Sawiro)

0

 

Dad badan ayaa la sheegay iney ku dhinteen duqeyn cirka ah oo lagu qaaday xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla gobolka Tigray sida ay sheegeen haqaalaha gargaarka ah ee ka howlgala waqooyiga Itoobiya.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya weerarka lagu qaaday iskuul ku yaala degmada Dedebit balse sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka oo lagu daweynayo isbitaal.

Shaqaalaha gargaarka waxay sidoo kale sheegeen in 56 qof ay ku dhinteen duqeynta halka 30 qof kalena ay ku dhawaacmeen weerarka.

Afhayeenka ciidamada Itoobiya G/lle Sare Getnet Adane iyo afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaan ka jawaabin codsi ku aaddan inay dhacdadan ka hadlaan, iyadoo Dowladda ay horey u beenisay in ay dad rayid ah beegsatay muddadii 14-ka bilood ahayd ee uu socday dagaalka ay kula jirto ciidamada Tigreega.

Inkasta uu si ku meel gaar ah u joogsaday dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo fallaagada Tigray, waxaan weli sii socdaa duqeymaha ka dhanka ah TPLF.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili dowladdu xabsiga ka sii daysay dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah, iyadoo sheegtay inay bilaabi doonto wadahadal ay la gasho mucaaradka siyaasadeed si loo xoojiyo dib u heshiisiinta.

 

Ad
Previous articleQodobada Lagu Heshiiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran (Akhriso)
Next articleDiyaarada Kenya Airways oo laga Mamnuucay Dalka Imaaraadka Carabta iyo Sababta oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here