Home Wararka Maanta Gudoomiyayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oonXasan Shiikh kulan kula Qaatay Madaxtooyada Galmudug Maxay kawada...

Gudoomiyayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oonXasan Shiikh kulan kula Qaatay Madaxtooyada Galmudug Maxay kawada Hadleen(Sawiro)

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdixaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka oo saaka gaaray Magalaada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa Madaxtooyada Dhuusamareeb ku booqday Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hagida howlagalda lagu ciribtiraayo Khawaarijta ka wada Dhuusamareeb ayaa guddonka Baarlamaanka warbixin ka siiyey guulaha ay gaareen Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu tilmamay in dhawaan guulo waaweyn laga gaari doono Khawaariijta.

Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Khawaarijta iyaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed leeyihiin hal cadow oo caqabad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka JFS oo ah matalayaasha shacabka ay si buuxda u garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka.

Ad
Previous articleNin dilay haween badan oo da’ ahaa oo asna xabsiga lagu dilay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraadka oo isku raacay in laga jawaabo laba arrin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here