Home Wararka Maanta Shiikh Shaakir oo Shaaciyay Inay Beritahay Maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan

Shiikh Shaakir oo Shaaciyay Inay Beritahay Maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan

0

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa caawa ku dhawaaqay inay berri soomayaan oo maalinta koowaad ee Ramadaan ay u tahay, xilli maanta laga soomanaa inta badan Soomaaliya.

Qeybo ka mid ah dalka, sida Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb, Guriceel, Gaalkacyo iyo inta badan degmooyinka gobolka Gedo ayaan maanta laga soomin, waxayna dadkaasi ku doodeen inay aragti ku soomayaan, kuna afurayaan.

Sheekh Shaakir ayaa u hambalyeeyey dhamaan dadka Soomaaliyeed, isagoo dadka ku baraarujiyey inay Alle uga mahad-naqaan abaalmarintiisa bishaan qiimaha badan ee uu soo gaarsiiyey, kana faa’iideystaan fadliga bishaan Ramadaan.

“Waxaan hambalyada bisha ramaddaan u diraayaa ummadda muslimiinta ah gaar ahaan shacbiga soomaaliyeed , waxaana mahad oo dhan u sugnaatay Allaah Swt oo si nabad ah nagu gaarsiiyay bishaan barakeysan ee Ramaddaan,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Shiiqa ayaa Alle ka baryey in fadliga bishaan uu Soomaaliya ku gaarsiiyo guulo badan, sidoo kale wuxuu ku taliyey in loo midoobo dagaalka Khawaarijta.

“Fadliga bisha barakeysan ee Ramaddaan Allaha Dalkeena ku siiyo Roob, barwaaqo,nabadgalyo iyo midnimo Insha’allaah, Waana in aan u midawno dagaalka lagula jiro khawaarijda si aan u helno xoriyad qiima badan,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Shaakir wuxuu ka mid ahaa culimada dariiqatu Suufia oo maanta aan soomin, inta badana dadka raacsan dariiqadaas kuma soomaan, kuna afuraan bil aysan arkin bilashadeeda.

Inta badan Soomaaliya ayaa maanta laga soomay kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in Ramadaan ay dhalatay oo Telefishinka Qaranka, si toos ah lagu dhaariyey nin sheegay inuu arkay bishii, isagoo jooga degmada Awdheegle.
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo isaga Baxay Magaalada Bacaadwayne iyo Alshabaab ooo…
Next articleHoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ee Malaayiinta Doolar lagu Raadinayay oo geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here