Home Wararka Maanta Wasiirka Cusub ee Amniga Soomaaliya oo Shaaciyay Xiliga Alshabab lasoo Afjaraayo

Wasiirka Cusub ee Amniga Soomaaliya oo Shaaciyay Xiliga Alshabab lasoo Afjaraayo

0

Wasiirka cusub ee amniga dalka mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in ay dardar ku socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka, kuwaasoo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallada ay ka socdaan dhammaan maamul gobolleedyada dalka gaar ahaan Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in la wiiqay awooddoodii, billaha soo socdana laga nadiifin doono deegaannada fara ku tiriska ah ee ay kaga harsan yihiin maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.

“Waxaa la xaqiijiyay in nimanku tabar iyo xoog midna lahayn, oo ay ahayd waxoodu argagixisanimo, boor isku qarin iyo waxaan loo joogin iyo caga-jugleyn, waxaan filayaa Inshallaahu Tacaallaa, Ilaahey idinkiisa bishan bisheeda in iyadoo dalka Soomaaliya laga nadiifiyay Khawaarijta inaan ku gaari doono, maxaa yeelay maamulka Galmudug billahan nagu soo fool leh Khawaarij waa laga weyn doona Inshallaahi Tacaallaa, hadda Hirshabeelle ayaa loo soo jeesan doonaa iyana waa noo fududaan doontaa inaan Khawaarijta ka ciribtirno,” ayuu yiri Wasiirka amniga gudaha.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka go’an sidii gacanta Dowladda dib loogu soo celin lahaa degaanada maqan ee gacanta ugu jira Al shabaab

Ad
Previous articleBurcad Badeedii Soomaalida ee Haystay Markabka MV Abdullah oo lacag Waali ah ka qaatay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Madaxweynaha IRAN oo war culus soo saaray kadib weerarkii ay xalay ku qaadeen Israel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here