Hoggaamiyaha guud ee ciidamada Macawiisley Cali Jeyte Cusmaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa digniin kama dambeys ah u diray dadka ku nool deegaanada ay joogto kooxda Al-Shabaab.
“Qof kasta oo ku nool meel Shabaab joogo, waxaan ula dhaqmi doonaa sidii Shabaab, waa la i duqeeyey ma dhihi kartaan, cid inka dhageysa doontana ma jirto, ka fogaada oo lafihiina ka ceynsada, nooma kala soocna Shabaab iyo wixii la nool,” ayuu yiri Cali Jeyte.
“War waa idiin digayaa, hadii aad doontaan hala dagaalinina ee ka fogaada nimankaas, waxaana ku dhaaranayaa ninkii Shabaab la jooga kama reebi doono waa noola mid ‘Shabaab warkiisa waxaan ku soo koobayaa waxay horay u gashadeen kabaha iyo surwaalkooda, ana waxaan ka daba wataa Feynuus,” ayuu yiri Cali Jeyte.
“Shacabka waxaan leeyahay qofkii Shabaab la jooga hala sii joogo, laakiin dadka kale waxaan leeyahay, raggaan waa kuwii idin dhibaateeyey ee wax gorgortan ah yaan lala gelin, arxan malaha ee ka fogaada,” ayuu yiri.
“Waryaada nimankaas arxan malahane ka fogaada, cidii lagu ag arko waa lagu kor dilayaa, cid ka garaabi doontana ma jirto, damaanadna waan bixinayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray hoggaamiyaha ciidamada Macawiisleyda Soomaaliya Cali Jeyte.