Home puntland Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland Dhoobo direed oo gaaray Deegaanka uu kasoo jeedo (Sawiro)

Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland Dhoobo direed oo gaaray Deegaanka uu kasoo jeedo (Sawiro)

0

Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo khamiistii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland xilka ka qaadeen ayaa isaga tagay magaalada Garawe oo horey u degnaa.

Dhoobo Daareed iyo ciidamo badan oo ilaalo u ah ayaa shalay galab gaaray deegaanka Xiingalool ee Gobolka Sanaag, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay waxgaradka magaalada iyo dadweyne kale.

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland ayaana horey sharci daro ugu tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay, waxa uuna ku adkeestay in uu wali yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka uuna ku yimid sifo sharci ah.

Mr Dhoobo ayaan wali ka hadlin safarka uu ku gaaray gobolka uu kasoo jeedo ee Sanaag, lamana oga in halkaasi ka bilaabi doono iyo in kale abaabul ka dhan ah maamulka Puntland uu horey uga tirsanaa.

Gobolka Sanaag ayaa maamulkiisa waxaa isku heesta maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana la sheegay in Gudoomiyaha xilka laga qaaday gobolkaasi ku leeyahay taageerayaal badan.

Khilaafka ka dhashay xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa wali la dareemayaa, waxaana magaalada Garawe ku sugan Suldaanka Guud ee Beesha Harti ah oo ah beesha iska leh xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here