Home galmudug Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug

Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug

0

Wararka laga helayo deegaano katirsan koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay ka dhaceen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsaday Xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Duqeymahaan ayaa waxaa ay sigaar ah uga dhaceen Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,waxaana dad ku sugan Gobolka Mudug ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa duqeymaha ay fulinayeen Diyaaradaha.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha ay ka geysteen deegaano hoostaga degmada Xarardheere oo ay ku xoogan yihiin Ururka Al-Shabaab, iyada oo aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Galmudug ee Gobolka Mudug.

Duqeynta ka dhacday Gobolka Mudug ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan diyaarado dagaal ay duqeye ka geysteen tuulada Jiracle oo dhaw degaanka Caad oo ku yaala Koonfurta Gobalka Mudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here