Home jubaland (Sawiro) Kismaayo oo lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo

(Sawiro) Kismaayo oo lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa ka degtay diyaarad magaalada Garawe ka qaaday Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayay.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Xildhibaano ,siyaasiyiin iyo dadweyne badan oo loo diyaariyay soo dhaweynta.

Qasriga Madaxtooyada magaalada Kismaayo ayaa loo galbiyay wafdiga Madaxweynaha Puntland hogaaminayay, waxaana halkaasi kulamo kula qaadan doonaan Madaxda Jubbaland iyo wafuud kale oo hore Kismaayo u joogtay.

Magaalada Kismaayo waxaa ku qul qulaya wafuud kala duwan oo magaaladaasi u tagay caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland aysan aqoonsaneyn dowlada federaalka iyo Beesha Caalamka .

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here