Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ka digay howlgalka dhulka ee Turkiga ka wado Suuriya

Mareykanka oo ka digay howlgalka dhulka ee Turkiga ka wado Suuriya

0

Horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah IS waxa uu halis geli doonaa haddii Turkiga uu la galo Suuriya ciidamo dhulka ah, sida uu ka digay Pentagon-ka Mareykanka.

Turkiga ayaa duqeymo xiriir ah ka geystay dalka Suuriya, kaddib qaraxii Istanbul, kaasoo ay ku dhinteen lix qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Turkiga ayaa ku andacoonaya in kooxaha YPG iyo PKK ay ka dambeeyeen weerarka, taasoo ay beeniyeen kooxaha Kurdiyiinta.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku dhawaaqay in ciidamada Turkiga ay sidoo kale qaadi doonaan weerar dhanka dhulka ah.

– Colaadda oo sii korodha, gaar ahaan haddii ay dhacdo weerar dhulka ah, waxa ay burburin kartaa horumarka adag ee dunidu ka samaysay ISIL, taasina waxa ay khalkhal gelinaysaa xasilloonida gobolka, ayuu u digay xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka, General Pat Ryder.

Maraykanku waxa uu ka walaacsan yahay dagaal dhulka ah oo ka dhici kara Suuriya waxana uu ku baaqay in la xakameeyo.

Ad
Previous articleUkraine oo heshay gantaalada riddada dheer ee Faransiiska
Next articleBooliska Sweden oo ka digay Khiyaano dhanka Internetka oo Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here