Home galmudug (Xog) Madaxweyne Xaaf oo soo Magacaabi kara Gudiga Doorashada Galmudug

(Xog) Madaxweyne Xaaf oo soo Magacaabi kara Gudiga Doorashada Galmudug

0

Madaxweynaha soo rogaal celiyay ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada qorshe uu kusoo magacaabayo Guddiga doorashooyinka Galmudug iyo guddiga xalinta Khilaafaadka.

Guddiyadan ayaana magacaabistooda mudooyinkii dambe waxaa ka taagnaa khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug iyo dowlada federaalka oo isku maandhaafay cida soo magacaabeysa iyo sida loo soo xulayo.

Madaxweyne Xaaf oo horey arimaha doorashooyinka Galmudug ugu wakiishay Wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka ayaa mar dambe ka laabtay go’aankaasi, waxa uuna sheegay in shaqada kusoo laabtay uuna soo magacaabayo guddiga doorashooyinka.

Go’aanka Madaxweyne Xaaf ayaa lama filaan iyo dhabar jab ku noqday dowlada federaalka oo iyadu dooneyasy in doorashada gacantooda ka bixin ayna soo magacaabaan guddiyada muhiimka u ah doorashada sidoo kale soo saaraan habraaca doorashada.

Waxaa socda kulamo looga arinsanayo khilaafka ka taagan magacaabista Guddiga doorashada, waxa ayna dowlada federaalka dadaal badan ku bixineysaa sidii Xaaf looga wareejin lahaam magacabaabista guddiyada doorashada ama ugu yaraan u magacaabi lahaa guddi magac u yaal ah oo loo yeeriyay.

Doorashada Galmudug ayaan wali la ogeyn xiliga la qaban doono, waxaana dad badan filayeen marka uu soo dhamaado shirka Dib u heshiisiinta in la guda gali doono xulista Baarlamaanka Galmudug iyo Doorashada Hogaanka Galmudugta cusub.

Magacaabista guddiyada doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug ayaa laga cabsi qabaa in mar kale abuuraan khilaaf cusub dib u dhacna u keenaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay raalina laga wada yahay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here