Home galmudug Wararkii ugu danbeeyay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee Dhuusomareeb ka furmay

Wararkii ugu danbeeyay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee Dhuusomareeb ka furmay

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka socda shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug,kaasi oo Khamiisitii la soo dhaafay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ergo kala duwan oo dhammaan ka kala socota beelaha deegaanada Galmudug,kuwaasi oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa waxaa sheegayaa in Shirka markii uu furay Ra’iisul Wasaare Kheyre aan dib la isugu soo laaban,hayeeshee Maanta dib uu furmi doono Shirka,waxaana goobjoog ka noqonaya inta uu socdo Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Cabdi Sabriye.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here