Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay Markale Ku wajahan Baydhabo iyo Sababta la...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay Markale Ku wajahan Baydhabo iyo Sababta la ogaaday

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah booqanayo magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee K/Galbeeed oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Mudug24 u xaqiijiyey in madaxweynaha uu saacadaha soo socdo u bixi doono magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Baay.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ammaanka si weyn loo adkeeyay, ayada oo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweynaha ay haatan ka socoto Baydhaba.

Wararka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacaya magaaladaasi.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo isaguna haatan ku sugan xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, isaga oo shalay gaaray halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madashan waxaa sidoo kale qayb ka ah xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed iyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, si ay uga wadahadlaan xalka maamulkaas, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku hayaan labada dhinac.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay mucaaradka ka horyimaadeen muddo kororsiga loo sameeyay Lafta-gareen, waxaana ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Baydhaba

Si kastaba, waa booqashadii labaad ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegayo Koonfur Galbeed, isaga oo booqashadiisii ugu horreysay ku bilaabay, kadib 15-kii May ee 2022-kii.

Ad
Previous articleWasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Saldhiga Turkisom Kuna Soo Arkay Wax yaabo Cajiib ah(Sawiro)
Next articleBaarlamanka Yurub oo soo faro geliyey kiiska Soomaali xukun adag lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here