Home Wararka caalamka Diyaaradaha Sacuudiga iyo Isbaheysigiisa oo 100 Ruux ku dilay gudaha Yaman

Diyaaradaha Sacuudiga iyo Isbaheysigiisa oo 100 Ruux ku dilay gudaha Yaman

0

Dad ku dhow 100 ruux ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen duqeymo dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta maanta la beegsadeen xabsi ku yaalla magaalada Dhamar oo 130 km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Sanca.

In ka badan 150 kale oo ku dhaawacmay duqeyntaas ayaa la dhigay goobaha caafimaadka, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badnaayeen maxaabiis ku jirtay xabsiga, shaqaale iyo ciidan ilaalo ah.

Bayaan kasoo baxay Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa lagu sheegay, in weerarada lagu beegsaday saldhig millatari oo ay magaalada Dhamar ku leeyihiin xoogagaga mucaaradka ee Xuutiyiinta.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si taxadar leh loo fuliyay lagana baaqsaday khasaaro soo gaara dadka rayidka.

Hase yeeshee, afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 60 qof lagu dilay weerarka. Yusuf al-Hadri, ayaa sheegay in goobta ay ciidamada Isbaheysigu duqeeyeen tahay xarun ay Xuutiyiinta u adeegsadaan xabsi ahaan.

Hey’adda Laanqeerta Cas ee caalamiga ah ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay dadka lagu dilay xabsiga magaalada Dhamar. Waxnaa ay halkaas u dirtay kooxaha gurmadka deg dega ah, dawooyin iyo bacaha meydadka la geliyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here