Home galmudug Saraakiil ka tirsan Ahlu-suna oo digniin u jeediyay Dowlada Somaliya (Dhageyso Codka)

Saraakiil ka tirsan Ahlu-suna oo digniin u jeediyay Dowlada Somaliya (Dhageyso Codka)

0

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamadii Ahlusunna ee horay loogu biiriyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magalada dhuusamareeb ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya uga digay inay ka baxdo heshiiskii ay la gashay Madaxda Ahlusunna.

Warbaahinta ayay kula hadleen Magalada Dhuusamareeb,waxana ay sheegeen in Madaxda Ahlusunna iyo Dowladda Federaalka ay heshiis horay u wada gareen,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay u muuqato mid aan dhaqan gelinayeen heshiiskaas.

Waxaa ay sheegeen saraakiisha Ahlusunna hadii ay dowladda Soomaaliya ka baxdo heshiiskaas ay iyana yihiin kuwa qaadanaya Amarka Madaxda Sare ee ahlusunna,isla markaana aysan ku qanci doonin waxkasta oo ay dowladda Soomaaliya u keento.

Sidoo kale saraakiisha ayaa waxa ay soo hadal qaadeen dalacsiinta saraakiisha ciidamadii Ahlusunna,waxana ay sheegeen inaysan aqbaleyn in si gacan togaaleysi ah loo adeegsado dalacsiintaas.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here