Home Wararka caalamka Madaxweyne kumeel gaar ah oo loo dhaariyay Dalka Suudaan Afar bil kadib...

Madaxweyne kumeel gaar ah oo loo dhaariyay Dalka Suudaan Afar bil kadib xukunkii kacaanka

0

Hogaamiyaha militariga Suudaan, Jen. Cabdelfataah Burhan ayaa maanta loo dhaariyay madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Suudaan.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo in ka badan afar bilood kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Suudaan, Cumar Al Bashiir oo dalkaas ka talinayay ku dhawaad 30 sanno.

Waxaa uu hogaamin doonaa golaha maamulka sare oo ka kooban lix qof oo rayid ah oo ka socda dhinaca mucaaradka iyo afar sarkaal oo militari ah saddexda sanno ee socota.

Sidoo kale xubanaha kale ee ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah ayaa maanta xilka loo dhaariyay kaddib munaasabad lagu qabtay aqalka madaxtoyada ee Suudaan.

Dhaarinta hoggaamiyeyaashan ayaa imaaneysaa xilli dhawaan mucaaradka iyo militariga ay wada gaareen heshiis lagu dhisayo dowlad kumeel gaar ah.

Waxaana sidoo kale lagu wadaa in lasoo dhiso golaha wasiirada oo uu hogaamin doono ra’iisul wasaare cusub.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here