Home Wararka Somaliya Jubbaland Guddoomiyaha cusub ee Gedo ee Axmed Madoobe Magacaabay oo gaaray Garbahaarey,

Guddoomiyaha cusub ee Gedo ee Axmed Madoobe Magacaabay oo gaaray Garbahaarey,

0

Guddoomiyaha cusub ee dhawaan uu madaxweyne Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaareey ee gobolkaasi.

Guddoomiye Shimbir oo dhowr jeer uu maamulkii hore ee gobolka ka hor istaagay inuu tego halkaas, ayaa ugu dambeyn maanta gaaray Garbahaareey, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

“In badan ayaa idin salaamaya soo dhaweyntiina aan hore loo sii sheegin haddana uu hoolka idin deeqi waayay aad ayaa idinkaga mahadcelinayaa, maamulka degmada oo guddoomiye Xasan ugu horreeyo waa u mahadcelinayaa,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Dadka dad hore usii diyaar garoobay ma ahan, inbadan ayaa wada-hadli doonaa oo sida uu guddoomiye Macalimow iyo guddoomiye Xasan ay sheegeen wax badan oo dadka anfaca ayaa qaban doonaa.”

Guddoomiye ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa cusub uu qabanayo shirweyne loo dhan yahay oo dib-u-heshiisiin iyo wada-tashi ah, “Cid walba oo reer Garbahaareey ah waxaan rabnaa inay imaato, oo xor ayay u tahay in ay imaato halkaan.”

Waxa uu ballan-qaaday in aysan mardambe dhici doonin shaqsi siyaasi ah laga celiyo gobolka Gedo, sida uu maamulkii hore uu dhowr jeer ku sameeyay guddoomiyahan.

“Waad ogtihiin aniga waa la icel-celiyay, laakiin hadda kadib cidna lama celin doono oo qoladii i celinaysay xitaa waa fasaxan yihiin waa imaan karaan, cid dambe oo Helicopter hasoo raacdo ama dhul ha soo marte meel aan airport aheyn ka imaan doonta majirto gadaashay.”

Guddoomiye Shimbir ayaa sidoo kale halkaasi ka wada kulamo uu la leeyahay siyaasiyiinta, odayaasha iyo saraakiisha deegaanka, kuwaasi oo uu kala hadlayo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen maamulkiisa cusub.

Mudane Shimbir ayaa hore dhowr jeer ugu fashilmay inuu tego magaalada Garbahaareey, kadib markii ay is-hortaag ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka ah.

Si kastaba, illaa hadda si rasmi ah looma oga waxa lagu qanciyay dadka reer Garbahaareey oo horey saluug uga muujiyay siyaasada Axmed Madoobe, mana jirro wax war ah oo kasoo baxay maamulkii hore ugu magacawna gobolka ee diiday socdaalka maamulka cusub.
Ad
Previous articleLiiska jaamacadaha Africa oo lasoo saaray iyo kaalimaha ay galeen kuwa Soomaaliya
Next articleCiidamadii Xasiliyay Muqdisho oo ATMIS kala Wareegay Xero Wayn oo ku Taala…(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here