Home puntland Maxaa keenay Khilaafka u Dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo Ku Xigeenkiisa

Maxaa keenay Khilaafka u Dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo Ku Xigeenkiisa

0

Waxaa soo shaacbaxay Khilaaf xooggan oo soo gala dhex galay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani iyo ku xigeenkiisa Axmed Cismaan Cilmi Karaash.

Khilaafka labadda dhinac ayaa soo shaac baxay Maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii Madaxweyne ku xigeenka uu kasoo horjeestay Tilaabooyin uu qaaday Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka horyimid magacaabista xubnaha guddiga doorashada ee la shaaciyay liiska magacyada 5 xubnood oo ku biiray 4 xubnood oo maalmo ka hor uu magacaabay guddoonka gollaha wakiiladda PUNTLAND.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka ayaa lagu cadeeyay habayaraatee inaan Madaxweyne Siciid Denni kala tashan kuxigeenkiisa magacaabida xubnaha guddiga shalay la shaaciyay,sida lagu sheegay qoraal lagu ogeysiiyay xafiiska guddoonka baarlamanka.

Sidoo kale Sabtidii todobaadkaan ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu sheegay in Puntland ay Soomaaliland wadahadal kala galeyso deegaannada ay dhowrka mar isku qabsadeen oo ay ku dagaalameen,hayeeshee waxaa arrinkaasi ka hor yimid Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaas.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal uu soo saaray oo ku taariikheysan 19/8/2019 waxaa uu ku sheegay in waajibaadka xukuumadda Puntland ay Aas aas u tahay difaacida dadka iyo  ilaalinta Gayiga Puntland,sidaas daraadeedna aan gorgortan laga galeyn dhulka ay Soomaaliland ku xad-gudubtay.

Mas’uuliyiinta maamulka Puntland qaarkood ayaa xaqiijiyay in Khilaafka uu ka dhashay markii Madaxweyne Dani uu diiday in uu Guddiga ku daro 2 Xubnood oo uu watay Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Qaar ka mid ah Waxgaradka maamulka Puntland ayaa bilaabay xalinta Khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaana xusid mudan in horay labaddii Mas’uul ee Puntland ee Gaas iyo Camey Midna uu dowladda kasoo horjeeday midna uu taageersanaa.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here