Home Wararka Caalamka Ku Dhawaad 15 Qof oo ku dhimatay Weerar lagu qaaday Masjid ku...

Ku Dhawaad 15 Qof oo ku dhimatay Weerar lagu qaaday Masjid ku Yaalla Iran

0

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday goob ay ku cibaadeystaan ​​shiicada iyo masaajid ku yaala magaalada Shiraz ee koonfurta Iran. IS ayaa sheeganeysa in ay ka dambeysay.

Warbaahinta Iran ayaa markii hore sheegtay in saddex nin oo hubeysan ay ka dambeeyeen weerarka. Wararka ayaa sheegaya in labo ka mid ah la qabtay, halka mid seddexaadna uu baxsaday.

Markii dambe ayaa la sheegay in uu jiro hal qof oo kaliya, isla markaana qofkaas la qabtay.

– Waxaa weerarkan ku lug lahaa hal argagixisanimo, ayuu yiri madaxa garsoorka ee aaggaas, Kazem Mousavi, oo la hadlay telefishinka dowladda Iran.

Sida uu sheegay, dembiilaha waxa uu xidhiidh la leeyahay koox Muslim Sunni ah oo xag-jir ah.

Sida uu qoray wargeyska Nour ee ka soo baxa dhanka internet-ka oo xiriir la leh golaha sare ee ammaanka Iran, ninka falkan geystay ma ahan Irani, balse lama oga dhalashadiisa.

Kooxda xagjirka ah ee Sunniga ah ee IS ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii Arbacada inay iyagu ka dambeeyeen weerarka.

Ad
Previous articleRuushka oo isu diyaarinaya dagaalkii ugu cuslaa oo uu ku Qaado markake Ukrain
Next articleDalka Denmark oo lagu toogtay Wiil Dhalinyaro Ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here