Home galmudug Maamulka Ahlu-suna oo amar dul dhigay Degmooyin ka tirsan Galmudug ee gacanta...

Maamulka Ahlu-suna oo amar dul dhigay Degmooyin ka tirsan Galmudug ee gacanta ku hayaan

0

Hoggaanka Ururka Ahlusunna ayaa 9kii  Bishaan Shir deg deg ah la qaatay kaliyah maamulada degmooyinkii ay horay  gacanta ugu heysay Ahlusunna ka hor inta aysan ku biirin maamulka Galmudug.

Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii shirkaasi ka qeyb galay Ahlusunna ayaa ogeysiisay maamulada degmooyinka in uu jiro Khilaaf ku aadan Ahlusunna iyo dowladda dhexe maadaama aan la fulin qodobadii lagu heshiiyay qaarkood.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ayaa dhawaan shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug.

Warqad loo diray Xafiisyadda Madaxweynaha , Ra’iisul Wasaaraha iyo Qaramada Midoobey ayaa muujisay tabashadda ay qabaan Ahlusunna waxaana ay sheegeen hadii laga jawaabi waayo Cabashooda ay qaadi doonaan tilaabo.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Saraakiishii Ahlusuna ee lagu heshiiyay in la siiyo darajooyin oo aan weli la sharciyeyn, taasna ay niyad jab ku tahay ciidanka.

Sidoo kale waxaa looga dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka sugayaan balan-qaadyadii uu u sameeyay, booqashadii uu ku tagay deegaanada Galmudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here