Home galmudug (Dhageyso Codka) Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay Cida ka hor istaagtay Galmudug...

(Dhageyso Codka) Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay Cida ka hor istaagtay Galmudug isagoo ka tanaasulay Doorashada la filayo

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda Madaxtinimada maamulka Galmudug,islamarkaana uusan ka mid noqon doonin Musharaxiinta.

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug xilliggaan ay wajaheyso Xaalad adag oo u baahan in lala shaqeeyo shaqsigii loo doorto Madaxweynaha Galmudug, islamarkaana aan la mucaaradin.

Waxaa uu sheegay in Mucaaradka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay lugaha ku dhageen labadii Sano ee uu ahaa Madaxweynaha Galmudug isagoo sheegay in uu waxbadan ka qabtay dhanka dib u heshiisiinta.

Hadalka Madaxweyne Xaaf ayaa yimid xilli maalmihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ka mid noqon doono Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here