Home galmudug Nuxurka Khudbadii Xasan Cali Kheyre uu ka jeediyay Magaalada Cadaado

Nuxurka Khudbadii Xasan Cali Kheyre uu ka jeediyay Magaalada Cadaado

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka maamulka Galmudug, waxaana uu halkaasi Khudbad u jeediyay qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Cadaado.

Kheyre ayaa sheegay in maalmo joogi doono Magaalada Cadaado, islamarkaana uu kulamo kala duwan la yeelan doono Madaxda maamulka Galmudug iyo odayeyaasha dhaqanka.

Waxaa uu sheegay in ay dhisi doonaan Galmudug mideysan oo dhammaan maamulkeeda siman loo qeybsado, islamarkaana laga ilaaliyay sadburi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu xoog, xoolo iyo dulqaad ku bixiyay Galmudug iyo dib u heshiisiinteeda, waxaana uu uga mahad celiyay inuu ogolaaday in la qabto doorasho, isla markaana dowladda Federaalka ay kala shaqeyn doonto doorasho loo dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here