Home galmudug Xildhibaan Odawaa oo sheegay Sadex Qodob oo lagu gaari karo Heshiiska Galmudug

Xildhibaan Odawaa oo sheegay Sadex Qodob oo lagu gaari karo Heshiiska Galmudug

0

Iyada oo xilligaan xaalado kala duwan oo siyaasadeed ay ka jiraan deegaanada Galmudug ayaa waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya laga dalbaday inay faragelinta ka joojiso Maamulkaasi Galmudug oo labadii sano ee la soo dhaafay ka bixi waayay khilaaf hareeyay Shaqooyinkii Maamulka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Galmudug xaalkeeda uu marayo meel xasaasi ah,isla markaana ay muhiim tahay in loo wada turo si uu u xasilo Maamulkaas.

Waxa uu ku baaqay in Saddex qodob ay xal u noqon kara arrimaha ka taagan xilligan deegaanada Galmudug,kuwaas oo looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan Dowladda Federaalka iyo dadka kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Hoos Ka Akhriso Saddexd qodob oo uu soo bandhigay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

  1. In dadka deegaankan wadi dagani wadatashi nabadeed oo lagu raadinayo is-fahan siyaasadeed gaaraan.
  2. In dowladda federaalka ahi, ahaado dowrkeedu isu soo dhaweyn iyo isu soo jiidjiid ee uusan ahaayn kala fogeyn iyo iska horkeen.
  3. In doorasho hogaan cusub la wada qabto ayadoo loo wada dhanyahay oo aan magaalooyin ama kooxo gaar ahi wax is bidin.

Geba gabadii waxaa uu sheegayXildhibaanka in ay  hortaal in la kala doorto mustaqbal la wada  leeyahay iyo mid nin iska celis ah oo saameyntiis fog nagu reeba,waxana uu sheegay in ay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud u joogaan iyo la sameeyo isku tanaasul iyo is dhageysi.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here