Home puntland Cabdi Raxmaan Faroole oo digniin kasoo saaray Khilaaf Dhexmara Xukuumada Puntland iyo...

Cabdi Raxmaan Faroole oo digniin kasoo saaray Khilaaf Dhexmara Xukuumada Puntland iyo Barlamaanka

0

Cabdiraxmaan Maxamed Maxmauuf (Faroole) oo ka mid ah Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland iyo Xukuumadda Puntland in dhexdooda uu soo kala dhex galo khilaaf.

Waxa uu sheegay Senator-ka in Xildhibaanada dhalinyarada ah eek u jira Baarlaamnka Puntland ay muhiim tahay inay bartaan Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliya si looga fogado khilaaf,isla markaana dadka ay ku hoggaamiyaan wadada saxda ah.

Dhinaca kale Senotar Cabdiraxmaan Maxamed Maxmauuf (Faroole) oo u jawaabayay Odayaal dhawaan ku shiray Gaalkacyo,kuwaas oo sheegay inay qaateen ku dhaqanka Shareecada Islaamk,waxaana uu ka codsaday inaysan u yeeran dadka dhibaatada ka abuuraya deegaanada Maamulka Puntland.

Hadalkaan ayaa  Cabdiraxmaan Maxamed Maxmauuf (Faroole) Madxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ayaa waxaa uu ka jeediyay furitaankii shalay ee Kulankii 44aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here