Home galmudug Wararkii ugu danbeeyay shirarka Garoowe ka Socda oo markale lagu kala tagay

Wararkii ugu danbeeyay shirarka Garoowe ka Socda oo markale lagu kala tagay

0

Magaalada Garoowe waxaa ka socda Shirir gooni gooni ah oo Xal loogu raadinayo Khilaafyada ka dhex taagan Dowlada Somaliya iyo Maamulada Dalka ka jira.

Wararkii ugu danbeeyay ee Mudug24 ka heshay shirarka socday ayaa sheegaya in lagu kala tagay Shirka Labaad ee u dhaxmaray Galmudug iyo Maamulada kale si xal loogu gaaro Khilaafka u dhaxeeya Galmudug iyo Dowlada iyo Shirka shalay dhexmaray Xaaf iyo Farmaajo ee lagu kala tagay .

Wali ma aanan helin Qodobada keenay in Shirka labaad lagu kala Kaco hase yeeshee waxaa muuqata in ay yihiin Qodobadii Hore ee Galmudug kasoo horjeeday.

Mid Kamid ah wasiirada Galmudug oo la hadlay Mudug24 isla markana aan magaciisa soo gudbin karin ayaa inoo sheegay in Shirka Sadaxaad uu bilowday  kaasi oo Natiijadiisa la helayo Saacad kadib marka uu soo dhamaado.

Waxaa muuqata in Khilaaf adag uu ka dhex jiro Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Somaliya kaasi oo Salka ku hayo Nadaamka Dowliga ee jira waxaana ugu adag midka u dhaxeeya Galmudug iyo Dowlada oo siyaasad adag salka ku haya.

Wixii ku soo kordha Shirka Sadaxaad Lasoco

Mudug24 Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here