Home Wararka Maanta Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo wacad ku maray inay garab siin Doonaan...

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo wacad ku maray inay garab siin Doonaan Israel

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray “waxaan garab taagannahay Israel,” xilli Washington ay isku dayeyso inay yareyso xiisadda Bariga Dhexe kadib weerarkii ay Xamas qaaday.

Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Washington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Israel ee ku aadan weerarada jawaabta u ah waxa uu ugu yeeray “xasuuq” ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 14 Mareykan ah.

“Waqti xaadirkan, waa inaan si cad u qeexnaa: waanu garab taaganahay Israel,” ayuu yiri, isagoo ku celceliyey: “Waan garab taagannahay Israel. Waxaan hubin doonnaa inay haysato waxa ay u baahan tahay si ay u daryeesho muwaadiniinteeda, isu difaacdo oo ay uga jawaabto weerarkan. Ma jiro wax cudurdaar ah oo argagixisanimadu leedahay. Ma jiro cudurdaar.”

Biden, oo ay garab taagan yihiin madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdooyinkii Sabtida, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen “ficillo aad u xun.”

“In ka badan 1,000 rayid ah ayaa la gowracay – lama dilin kaliya, waa la gowracay – gudaha Israel,” ayuu yiri. “Waxaa ka mid ah, ugu yaraan 14 muwaadiniin Mareykan ah ayaa la dilay. Waalidiin ayaa la gowracay ayagoo oo isku dayaya inay carruurtooda badbaadiyaan. Ilmo yar oo la dilay ayaa la soo sheegya, qoysas dhan ayaa la dilay.”

Wuxuu sheegay inuu weydiisan doono Congress-ka inay qaadaan “tallaabo deg-deg ah” laakiin ma uusan cayimin.

Aqalka Wakiilada ee ay maamulaan Jamhuuriga iminka ma lahan afhayeen, taasi oo oo ka hor-istaageysa Congress-ka inuu ansixiyo miisaaniyad cusub.

La-taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan ayaa sheegay in Aqalka Cad uu ku boorin doono Congress-ka inuu sii wado hubka loo dirayo Israel.

Sullivan waxa uu intaas ku daray in Aqalka Cad uu rumaysan yahay inay jiraan 20 Maraykan ah, oo aan laga war hayn, balse waxa uu caddeeyey in dhammaantood laga yaabo inaan la haysan.

Biden wuxuu sheegay inuu la hadlay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Talaadadii, taasi oo ah wada-hadalkoodii saddexaad tan iyo markii ay xasaraddu billaabatay – wuxuuna sheegay inuusan la yaabin jawaabta “deg degga ah, go’aanka iyo awooodda leh,” ee Israel.

Balse waxa uu intaa ku daray, “Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay sida dimoqraadiyadaha Israel iyo Maraykanka oo kale ah, ay u awood iyo hubanti badan yihiin marka aan u dhaqmayno sida uu qabo sharciga.”

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Gaaray Furimaha Dagaalka Koonfurta Mudug(Sawiro)
Next articleMadaxweynaha Khaatuma State oo Talaabo ay ka Xumaatay Puntland Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here