Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali Jeyte oo Shakiyay iskana diiday Casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan...

Cali Jeyte oo Shakiyay iskana diiday Casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan uu iska diiday casuumad uu u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Cali Jeyte in uu yimaado magaalada Muqdisho, si ay uga wada hadlaan xiisada siyaasadeed iyo khilaafka ka dhashay xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Sida aan xogta ku helnay Cali Jeyte ayaa dhagaha ka fureestay casuumada uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana guddoomiye Cali Jeyte galay tuhun la xariira haddii wadahadalada fashilmaan in xabsi guri lagu galiyo Muqdisho.

Cali Jeyte ayaa u sheegay dad u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh in uusan tageyn caasimadda dalka, waxa uuna dhankiisa madaxweynaha ku casuumay in uu yimaado Baladweyne.

Ad
Previous articleBaraf aan horey loo arag oo ka da’ay degmooyin ka tirsan dhulka Soomaalida (Sawirro)
Next articleMaxaa dhacay markii diyaarad lugta hore ka maqan tahay ay ka soo degtay Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here