Home wararka Dalka Rag Hubeysan oo gaari watay oo Rasaas ku Furay Dad Shacab ah...

Rag Hubeysan oo gaari watay oo Rasaas ku Furay Dad Shacab ah Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa xiligii salaada maqrib ee caawa dad shacab ah ku laayey xaafada Kaabo Godey qeybta degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dableyda oo watay qoryaha darandooriga u dhaca ee Ak-47 ay rasaas ooda kaga qaadeen dad badan oo fadhiyey goob maqaahi ah oo ku taalla Jidcadde ku yaalla Xaafada Godey.

Ugu yaraan shan ruux ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen halkaas, iyadoo afar kale oo dhaawac ahna loola cararay goobaha caafimaadka sida dad dadka degaanka sheegayaan.

“Gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa meesha soo istaagay, waxaa ka soo degay labo nin oo wadatay qoryo, ka dibna waxay rasaas ooda kaga qaadeen dad badan oo ku shaahayey maqaahi ka dhinac furneyd guri saaran jid caddaha dhexmara degaanka, 5 qof wey dhimatay 4 kalena wey dhaawacmeen, ka dibna gaariga ay wateen ayey ku baxsadeen” ayuu yiri goob jooge ka gaabsaday in magaciisa la soo xigto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka lagu dilay weerarkan iyo kuwa dhaawaca ah intooda badan ay yihiin kuwo qaraabo soke ah oo hal qoys ka soo wada jeeda.

Dadweyne fara badan oo ka tirsan degaanka ayaa isugu soo baxay goobta, iyagoo ka argagaxsan weerarkan dadka lagu laayey, waxaana sidoo kale goobta gaaray masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan maamulada degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley.

Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysa weerarkan iyo cida ka dambeysay, waxaana socda baaritaano ay wadaan laamaha amaanka dowlada, waxayna dhacdadani qeyb ka tahay falalka amni daro ee mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here