Home wararka Dalka Nin Hubeysan oo Muqdisho lagu qabtay kadib Dagaal uu la galay Ciidanka...

Nin Hubeysan oo Muqdisho lagu qabtay kadib Dagaal uu la galay Ciidanka Amaanka

0

Ciidamada amaanka ayaa  xaafada Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley waxa ay ku qabteen nin hubeesan oo la sheegay in uu galay guri xaafadaasi kuyaala xili ay eryanayeen ciidamada .

Ninkan hubeesan ayaa bambaano ku weeraray bar ay ciidamada amaanka kaga sugnaayeen meel aan ka fogeyn xaafada Cali Kamiin, waxaana ninkan ay eryadeen ciidamada uu galay guri dad shacab ah ku sugnaayeen.

Sida aan wararka ku helnay ninkan oo ku hubeesnaa biskoolad iyo bambooyin ayaa daqiiqado badan ka dhax dagaalamayay guriga uu galay, waxaana ugu dambeyn ciidamada la sheegay in ninkaasi ay dhaawaceen kadibna ay qabteen.

Howlgalka ninkan hubeesan ay ku qabteen ciidanada amaanka ayaa sidoo kale la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray ciidamada amaanka ee doonayay in ninkaasi hubeesan nolosha kusoo qabtaan.

Ciidamada amaanka ayaa maalmahan xoojiyay howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana howlgalkan lagu dilay ninka hubeesan caawa bogaadiyay saraakiisha laamaha amaanka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here