Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Nabadoon lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab oo maxkamad lasoo...

Wararkii ugu Danbeeyey Nabadoon lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab oo maxkamad lasoo taagay

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta ka bilaabatay maxkamadeynta Ugaas Aadan Maxamed Geeddi Cabdi oo loo haysto inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga Jubbaland.

Maxkamadda Ciidamada Jubbbaland ayaa lasoo hor istaajiyay Nabadoonkan oo horay loogu qabtay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Yoontoy ee gobolka Jubbada Hoose.

Ninkan oo 44 sano jir ah ayaa Al-Shabaab usoo qabtay shaqooyin kala duwan, wuxuu markii hore u qaabilsanaa lacag uruurinta, isaga oo mar dambe ku biiray jabhadaha weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamadu.

Ugaas Aadan oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu ka howlgeli jiray aagga deegaanka Yoontoy.

“Anigu ma lihi nin Shabaab ah ma ahi, laamiga Yoontoy iyo aaggaas ma imaan ma lihi” ayuu Ugaas Aadan ka hor yiri Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ku dooday inuu u ahaa xoolaley, ujeedkiisana uu ahaa inuu hantidiisa ku ilaashado kooxda, maadaama uu ku sugnaa goobaha ay ka taliso.

“Waxaan ahaa nin iska duur joog ah oo xoolaley ah oo hantidiisa ku ilaashanaya nimankaas, kadibna waa igu adkaatay xaaladaasi” ayuu mar kale yiri.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ugu dambeyntii soo xiray fadhiga maxkamadda, wuxuuna sheegay inay sii socon doonto dhageysiga dacwadda, mar kalena la’isku soo laaban doono.

“Garmaqalka eedeysane Ugaas Aadan Geeddi Maxamed Cabdi halkaas ayay maanta noogu xiran tahay, Maxkamadda ayaa dib ka sheegi doonto xilliga dib loo soo celin doono, waana noo xiran tahay” ayuu guddoomiyaha Maxkamadda kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Markii lixaad Maantay gaaray Casmara(Sawiro)
Next articleXiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Oo Markale Xumaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here