Home galmudug Maxay Tahay Qorshaha Dowlada ku Qancineyso Madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Shaakir.

Maxay Tahay Qorshaha Dowlada ku Qancineyso Madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Shaakir.

0

Dowlada Somaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii doorashada Galmudug u dhaci laheyd 7 july ee nagu soo wajahan lakin qabsoomida doorashada waxaa hortaagan madaxweynaha Galmudug Xaaf oo waqtigiisa ku egyahay laba sano kadib dhanka dowlada ayaa wada qancinta labada masuul sida ay qaataan lacag.

Dowlada Somaliya ayaa qaban laheyd doorasho uu ka maqanyahay madaxweyne Xaaf hadii magaalada Dhuusomareeb ay dowlada tagi laheyd lakin heshiiska Galmudug ee Ahlu-suna iyo dadaalka madaxweyne Xaaf ayaa dowlada u diiday in ay doorashada ku qabtaan Dhuusomareeb taasi oo keentay in waan waan ka raadiso xalka Galmudug.

Waan waanta dowlada waxaa kamid ah in Madaxweyne xaaf uu ku ekaado waqtigiisa mudada labada sano iyo in doorashada Galmudug ku dhacdo bisha July iyadoo madaxda Galmudug lagu qancinayo waxa ay doonayaan.

Warar hoose oo mudug24 heleyso ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumada Galmudug lagu qancinayo lacago tiro badan si ay xilka u baneenayaan lakin taasi waxaa ka  taagan dood kale madaxweynaha Madaxa xukuumada Galmudug Shiikh Shaakir horay loogu balan qaaday lacag 3 bilyan ah taasi oo ka imaaneysay dowladii shiikh shariif inkastoo looga baxay.

wararka ugu danbeeyay ee Dhuusomareeb laga helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Xaaf uu ku adkeesanayo dhameestirka muda xileedkiisa hase yeeshee waxaa dhici karta in isbadal uu yimaado waqti walbo madama dowlada ay isbadal ku sameesay dhanka siyaasada Galmudug madama ay dooneyso in madaxwenaha Galmudug ka dhigto masuul taageersan Dowlada kana tirsan.

Mudug24 kala soco wixii ku soo kordha

Mudug24 Muqdisho

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here