Home Wararka caalamka Shiinaha oo diiday in Ergagixiso loo isticmaalo hogaamiye ka dambeeyay weerar dhaxmaray...

Shiinaha oo diiday in Ergagixiso loo isticmaalo hogaamiye ka dambeeyay weerar dhaxmaray Hindiya iyo Pakistan.

0

Dowladda Shiinaha ayaa hor istaagtay isku day lagu doonayay in argagxiso loogu yeero hoggaamiyaha koox ka dambeysay weerar sabab u noqon rabay in uu dagaal dhex maro dalalka Hindiya iyo Pakistan.

Ninkan oo lagu magacaabo Masood Azhar ayaa madax u ah kooxda Jayshu Muxammad, taasoo bishii lasoo dhaafay fulisay qarax ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 askari oo ku sugnaa qeybta ay Hindiya ka maamusho gobolka Kashmiir.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa laga codsaday in Masood Azhar loo aqoonsado argagixiso isla markaana lagu soo rogo xayiraado isugu jira dhinaca dhaqaalaha, socdaalka iyo hubka.

Maxaa sababay sii deynta duuliyihii Hindiya ee ay Pakistan heysatay?Isbarbar dhigga awoodda Hindiya iyo PakistanModi iyo Khan: Dacaayadda dagaalka yaa ku guuleystay?

Hase ahaatee Shiinaha ayaa codsaday in dib loo dhigo arrintaas, si loo siiyo waqti dheeraad ah oo ay uga soo fikiraan go’aankaas.

Dib u dhigistan ayaa qaadan karta muddo 9 bilood ah, waana markii afaraad ee Shiinaha, oo xulafo dhow la ah Pakistan, uu hor istaago isku day lagu doonayay in Masood Azhar loogu aqoonsado qof argagixiso ah.

Dowladda Hindiya ayaa u mahad celisay dalalka ku raacay soo jeedinteeda, iyadoo safka hore ku xustay waddamada Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska.

Bayaan kasoo baxay xukuumadda Delhi ayaa lagu yidhi: “Waan sii wadi doonnaaaa dadaallada ku aaddan sidii caddaaladda ay u wajihi lahaayeen hoggaamiyeyaasha kooxaha argagixisada ah ee fuliya weerarrada lagu qaado muwaadiniinteenna”.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here