Home Wararka caalamka Duuliyihii diyaaradii bur burtay oo si wadajir ah janaaso Loogu Dukaday

Duuliyihii diyaaradii bur burtay oo si wadajir ah janaaso Loogu Dukaday

0

Boqollaal ruux oo Muslim ah ayaa janaaso qaa’ib ah u tukaday Yared Mulugeta Gatechew oo ah duuliyihii 29 jirka ahaa ee ku dhintay diyaaraddii Itoobiya ee burburtay Axaddii.

Salaaddan ayaa fiidnimadii Talaadada lagu oogay masaajidka caanka ah ee Baluch ee ku yaalla magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

In janaaso qaa’ib ah la tukado waxay tilmaamaysaa in qoyska duuliye sare Yared aysan filayn in ay helaan maydka wiilkooda, ayuu yiri wariyaha BBC Wazir Khamsin oo ku sugan magaalda caasimadda ah ee Nairobi.

Omammy Dallah oo wax ku qora baraha bulshada ayaa soo dhigay salaadda oo dadka oogaya uu ka mid ahaa wiil ay walaalo yihiin duuliye sare Yared.

Social embed from youtube

WarbixinReport this social embed, make a complaint

Duuliye sare Yared ayaa ahaa Itoobiyaan iyo Kenyan iska dhal ah, qaar ka mid ah qoyskiisa dhaw ayaana ku nool magaalada Mombasa.

Dadka tukaday janaasada waxaa ka mid ahaa Munir Mazrui oo ka mid ah dadka Kenyanka ah ee ku caanbaxay u dhaqdhaqaaqidda xuquuda aadanaha iyo Maxamed Xirsi oo caan ku ah arrimaha hoteellada.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here