Home puntland Masaajid ku yaalla Boosaaso oo lagu dhex toogtay Odey dhaqameed Caan ka...

Masaajid ku yaalla Boosaaso oo lagu dhex toogtay Odey dhaqameed Caan ka ah Puntland.

0

Waxaa goor dhow Masaajid ku yaalla Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari lagu dhex toogtay mid ka mid ah salaadiinta caanka ah ee degaanada Puntland.

Nin bastoolad ku hubeysnaa ayaa la sheegay inuu galay Masjidka Mubaarak oo ku yaalla Xaafada laanta Hawada ee Magalada Boosaaso, isagoo dhowr xabadood ku dhuftay Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastii lagu furay markii hore uu kasoo gaaray dhaawac culus oo uu ugu geeriyooday Isbitaalka National ee magaalada Boosaaso oo loola cararay

Agagaarka Masjidka ayaa waxaa dilka ka dib ka dhacay qarax loo adeegsadsaday  bam gacmeed, inkastoo aan la sheegin khasaare naafeed oo ka dhashay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa dilka kadib goobta gaaray, hayeeshee kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan ninkii ka dambeeyey dilkaas oo baxsaday.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here