Home wararka Dalka Ciidamada AMISOM oo maanta Ka baxaya kulliyada Jaale siyaad ee muqdisho (Sawiro)

Ciidamada AMISOM oo maanta Ka baxaya kulliyada Jaale siyaad ee muqdisho (Sawiro)

0

Ciidamada AMISOM ee deganaa Muddo Xerda kuliyada Jaalle siyaad ee muqdisho ayaa maanta faarujiyay.

Xeradaan oo Horay u aheed xarunta Tababarka ciidamada ee jaalle siyaad, ayaa waxaa ka soconaysa Munsaabada Dowlada soomaaliya ay kula wareegayso xeradaas.

Madax ka tirsan dowlada soomaaliya ayaa ka Qeyb galay munaasabada la wareegitaanka xeradaan ay muddo deganaayeen AMISOM.

Ciidamada Maanta laga saaray kulliyada jaalle siyaad ee degmada Hodan, ayaa la Tilmaamayaa in la geen doono Qeybo ka mid ah Deegaanada Hirshabelle.

Hirshabelle ayaa ka cabanayay Maal mihii La soo dhaafay Amaanka deegaanada Maamulkaas, ka dib Markii la qorsheeyay in Ciidamada Kaga sugan Hirshabeelle ee AMISOM ah laga soo saaro

Dhawaan Dowlada soomaaliya iyo Saraakiisha AMISOM, ayaa isku afgartay in Bishaan Dhamaadkeda ay Faarujinayaan xeradaan oo muhiim u ah Dowlada Fedralka soomaaliya.

Muddo dhan 10 sano ayay deganaayeen ciidamada Nabad ilaalinta ujooga soomaaliya, kulliyada jaale siyaad oo ay maanta wareejiyeen.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here