Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo Markii ugu Horaysay war Kasoo saartay weerarkii uu Cali...

Al-Shabaab oo Markii ugu Horaysay war Kasoo saartay weerarkii uu Cali Xarbi ku dilay xildhibaan Amess

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay weerarkii ka dhacay dalka UK ee wiil Soomaali ah ku dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamanka dalkaas.

Cali Xarbi Cali oo ah 26 jir Soomaali ah ayaa 11-kii April lagu helay dambi ah inuu dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo uu ku weeraray kaniisad uu kula kulmayey cod-bixiyeyaal.

Ali ayaa dhowr jeer mindo ku dhuftay xildhibaan David Amess markii uu kaniisadda ku weeraray bishii October 2021, werarkaas oo uu ku qeexay mid uu uga aargudanayey taageero uu xildhibaanka siiyey duqeymo laga fuliyey Syria.

Al-Shabaab ayaa muuqaal ay soo saartay oo ka hadlay dagaal-yahanada kooxdaas ee weerarada gaystay waxay kusoo dareen Cali Xarbi, kaasi oo si weyn loogu amaanay wiilkan.

“Cali Xarbi Cali, waa halyeeygii dilay xildhibaan David Amess, Allaah xabsiga haka soo daayo,” ayaa lagu yiri muuqaalka ay soo saartay kooxda Al-Shabaab.

Lama oga xiriirka Al-Shabaab kala dhexeeya Cali Xarbi, iyaguna ma aysan bixin wax tafaasiil ah balse waxaa filimka ka muuqanaya inay u riyaaqeen weerarkaas, ayna ku baaqayeen weeraro kuwaas la mid ah.

 

Cali Xarbi ayaa si kastaba markii uu maxkamadda hortagay sheegay in dilka xildhibaan David Amess uu kaga aargudanayey weerarada iyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish ee Syria ee ay fuliyeen reer galbeedka, taasi oo muujineysa inuu ama kooxdan ka tirsanaa ama taageere u ahaa.

Calili ayaa sidoo kale Maxkamadda u sheegay inuu doonayey inuu ku biiro Daacish, islamarkaana uu rumeysan yahay in ficilladiisa ay caawin doonaan Muslimiinta, isaga oo isku qeexay Muslim “qunyar socod ah.”

“Haddii ay ila tahay in waxa aan sameynayo ay khalad yihiin, ma sameyn laheyn,” ayuu maxkamadda u sheegay.

Dilka Amess oo ahaa xaasle 69 jir ah oo dhalay shan caruur ah, kana tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee ra’iisul wasaare Boris Johnson, ayaa mowjado argagax leh u diray baarlamanka, wuxuuna horseeday baaqyo ku saabsan in amni wanaagsan la siiyo xildhibaanada.

Ad
Previous articleKooxda Shabaab oo Weerar iyo Qaraxyo Ku qaaday Deegaan ka tirsan Shabeelaha Dhexe
Next articleDowlada Itoobiya oo ka Hadashay weeraro ka Dhacay Addis Ababa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here