Home Wararka Maanta Warar laga helayo Dil ka dhacay Muqdisho oo si Weyn looga naxay

Warar laga helayo Dil ka dhacay Muqdisho oo si Weyn looga naxay

0

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay saacado yar ka hor nin darawal ka ahaa mooto Bajaaj uu ugu xamaali jiray qoyskiisa ka dib markii uu rasaas ku furay askari Boolis ah.

Marxuum Cabdiraxmaan Shiikh Caddow ayaa lagu dilay nawaaxiga isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ka dib markii askari ka tirsan ciidanka Booliska oo la socday gaari nooca dagaalka ah uu ku riday xabad ka dhacday qoriga dhashiikaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in marxuumka uu isla goobta ku geeriyooday, iyadoo askarigii dilay iyo gaarigii uu la socdayba ay goobta ka baxadeen.

Ehelada marxuumka iyo dadkii ku sugnaa goobta dilku ka dhacay ayaa si weyn uga carooday, kana xumaaday dilkan, iyaggoo ka codsaday madaxda DF iney doonayaan cadaalad.

“Wuxuu ahaa qof maskiin ah, wuxuu ka tagay xaas iyo saddex caruur ah, isha kaliya ee ay noloshoodu ku tiirsaneyd waa isaga, madaxda dowlada iyo saraakiisha Booliska waxaan ka dalbaneynaa cadaalad” ayuu yiri mid ka mid ah ehelada marxuumka oo warbaahinta la hadlay.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kan gobolka banaadir ayaan illaa haadda wax war ah ka soo saarin dhacdadan lagu dilay ninka bajaajlaha ah ee laa dilay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo shaaciyay in saraakiil ciidan ay ku lug leeyihiin qaraxyada Muqdisho
Next articleHooyo Dhiig-bax ugu Geeriyootay Degmada Wisil ee Gobolka Mudug, Adeega MCH-ka oo aan ku filneyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here