Home wararka Dalka Akhriso Sababta ka danbeesay baaqashada kulankii u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse...

Akhriso Sababta ka danbeesay baaqashada kulankii u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse biixi.

1

Waxaa dib u dhacay kulankii lagu waday iney magaalada Addis ababa ee dalka ku yeeshaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka isku magacaabay Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyey raisul Wasaaraha Itoobiya ayuu qorshuhu ahaa inuu labada hogaamiye kulansiiyo, balse wararka ayaa sheegaya in caqabado ay soo wajaheen kulankan.

Caqabadaha ka hor yimid qabsoomida kulankaas ayaa waxaa ka mid ah cida yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac sida ay sheegayaan warar aynu ka heleyno ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Muuse Biixi iyo wafdigii uu horkacayey ayaa gaaray galabta magaalada Addis ababa, hase ahaatee Wafdigii Madaxweyne Farmaajo oo ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa u soo ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo kansalay safarkoodii Addis ababa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la sheegay inuu kulamo la yeelan doono Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa, iyadoo War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland lagu sheegay in Muuse Biixi aysan u qorsheysneyn inuu Addis ababa kulamo madax ka socota dalal kale.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

  1. Fursadda lagu wada H-E-S-H-I-I-S-I-I-N-A-A-Y-O Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland waa mid ku soo aadey waqtigii loo baahnaa, Muhiim-na u ah midnimadda, jiritaanka iyo horumarka S-O-O-M-A-A-L-I-Y-A oo ah runtii Dal waqti badan kaga dhumay kala qeybsanaan soo jiitantay muddo ku dhow 27-sano iyo maqnaashaha Dowladda dhexe oo adag ama si buuxdo wakiil uga ah, matasha-na Shacabka Soomaliyeed.
    Kulankaan waxay ahayd iney Dowladda federaalka marti-geliso, dhigtana gogoshiisa, diyaarisana cimaamaddii ( S-H-A-A-L-K-II ) ay saari lahayd maamulka Soomaliland oo ah runtii maamul, marka dhinac laga fiiro wax badan qabsadey ( horumarka, xasiloonidda Muujiyayna dowladd wanaag).

    Soomaaliland wax-baa ku qasbey iney Diiddo ama ay kamid noqoto Dowladda Federaalka Soomaliya, waa muhiim in la helaa jawi iyo gogol dhex-dhexaad ah oo ay labadda dhinac kuwa kulmaan, kuna wada hadlaan, si loo helo NATIIJO FIICAN oo xalaal ah, cid welibana ay ku qanacsan tahay.

    Kulankaan oo miro dhasho waxay faa’ido ugu jirtaa shacabka Soomaliyeed oo dhan, waayo waxay miro dhalinkiisu ( IS FAHAMKA KA DHASHO KULANKAAN), u horseeddii karaa shacabka Soomaaliyeed Midnimo iyo helitaanka Dowladd leh awooddii dowoladnimo oo dhameystiran.

    Kulaank oo miro dhal fiican yeesho waxay dhaxal fiican u noqon kartaa shacabka Soomaaliyeed oo u haraadsanaa WAQTI BADAN iney mar un arkaan hanaankii iyo heykalkii DOWLADNIMO oo ay kaga horeeyeen caalamka intiisa kale. S-O-O-M-A-A-L-I-Y-A na ay ahayd mid markii la soo hadal qaado caalamka intiisa kale ay ka cabsadaan, cududdeeda dowladdnimo iyo ciidanka ay heysato awgiisa. Soomaaliyadii lagu tilmaami jiray – THE LION OF AFRICA –

    Kulankaan oo miro dhal fiicasho yeesho, waxay Soomaaliya u horseedi kartaa iney soo ceshato Maqaamkii iyo mudnaantii ay caalamka dhexdiisa ku lahayd.

    Waxaan rajeynayaa in sida ugu haboon looga faa;ideysto, kulankaan ka dhici doona ADISS ABABA, laguna soo afjaro ( XALIYO), wixii khilaaf ah iyo is faham la’aan ah ee dhex yaalay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

    Midnimaddu waa Muhiim, mudnaanteedana lahoo, Amaaney Mow-laheena iyo iney midigta ku qabsanadaan mujtamicii doonaayo iney helaan Maamuus gaar ah iyo gaaridda maqaam sare oo la wada Mahdiyo.

    Is faham, isku tanaasul, is af-garasho iyo wax-wadaqabsi u horseedda Shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadd-ba MIDNIMO, NABAD IYO HORUMAR WAARA – INSHA ALLAH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here