Home galmudug Faafaahin Magaalada Gaalkacyo oo Labo Nin Isku Dishay Falkaasi oo Magaalada laga...

Faafaahin Magaalada Gaalkacyo oo Labo Nin Isku Dishay Falkaasi oo Magaalada laga hadal hayo.

0

Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Suuqa magaalada waxaa xalay isku dilay labo nin kuwaasi oo isku goobta ku dhintay.

Nin kamid ah Ragan is dilay ayaa Ahaa Ciidanka Amaanka Suuqa Gaalkacyo kaasi oo lagu magacaabi jiray Qaadiid Cadceed Jimcaale waxana muran dhexmaray Wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dhalinyarada Gaalkacyo.

Wiilka ayaa Falka ku horeeyay isagoo toorey ku dhuftay Ninkaasi ka tirsanaa Ciidanka hase yeeshee isagoo dhaawac ah ayuu isna ku furay Xabado taasi oo keentay in labadooda ku dhintaan goobta.

Bulshada Gaalkacyo gaar ahaan Ganacsatada Suuqa ayaa aad u hadal heysa Falkaasi Naxdinta leh oo horay uga dhicin Suuqa .

Mudug24 Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here