Home wararka Dalka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Galmudug oo Garoowe lagu soo dhaweeyay iyo Siciid...

Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Galmudug oo Garoowe lagu soo dhaweeyay iyo Siciid Deni oo dhankisa hadlay.

0
SHARE

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe halkaasi oo la filayo in bari ka dhacdo xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland Siciidd Deni oo dhawaan lagu doortay Garoowe.

Madaxweynaha Xaaf ayaa soo dhaweyntiisa kadib waxa uu la hadlay warbaahinta isagoo ka warbixiyay safarkiisa Garoowe iyo xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac isagoo sheegay in labada maamul wax walbo ka dhaxeeyaan marka laga reebo oodooda oo kala jeeda.

Dhanka kale Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Deni oo soo dhaweynta Xaaf ka hadlay ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay u leedahay in Madaxda Galmudug kasoo qeeb galaan isagoo intaasi ku daray in Galmudug tahay maamulka kaliya oo dhul iyo cirba ku soo gaaray Puntland.

Halkan Hoose ka dhageyso Khudbadihii labada masuul.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here