Home wararka Dalka Daawo Sawirada Dhismaha Wadada Gaalkacyo ilaa Hobyo oo si dar dar ah...

Daawo Sawirada Dhismaha Wadada Gaalkacyo ilaa Hobyo oo si dar dar ah ku socota iyo Halka ay Mareyso Qeybta 1 aad.

0
SHARE

Dhismaha Wadada u dhaxeysa Gaalkacyo ilaa Hobyo ayaa mareysa meel aad u sareysa waxana la jibaaray Howsha socota iyadoo shaqada xiligan ay ka kooban tahay 3 Qeyb oo kala ah Geedo jarista, Sahminta Wadada iyo Caro kaawo dhigista oo ay sii dheer tahay wadada oo la jukeenayo.

Prof Cabdi Qaadir Shirwac Gudoomiyaha Gudiga Gob ayaa goor dhow Qadka taleefanka kula xiriiray isagoo ku sugan Gaalkacyo Waxana Mudug24 Waydiisay Halka uu hada dhismaha marayo si bulshada aan ula wadaagno dhismahada Wadada.

Sharaxaad Guud oo ku aadan Dhismaha Wadada ee Carokaaawa dhigista.

Dhismaha oo ka kooban dhoor qeybood ayaa qeybteeda Caro kaawo dhigista Waxay mareysaa Deegaanka Laasa Daba dhig dhig oo aan sidaasi uga fogeyn Deegaanka Afguduudle.

Toosinta iyo Geedo jarista.

Wadada oo la toosiyo iyo in meelaha la toosiyay laga jaro Geedaha ku yaalla ayaa Joogta Deegaanka Afgaduudle halkaasi oo shaqada xoogeeda ka socoto.

Sahminta Wadada.

dhanka sahminta wadada ayaa mareysa Hadiile Dakadle waxana Prof uu noo sheegay in Shaqo Xoogan ay socoto hada taasi oo iskugu jira Toosin iyo Cabirid Wadada ah, Carrokaawo qodis rarid iyo geyn halka loogu tala galay iyo dhigista carada oo ay dheertahay in la rusheeyo waxaa intaasi dheer dadka deegaanka oo dhiiro galin loogu sameenayo in ay ka qeyb qaataan wadada isla markana ilaaliyiin madama ay tahay hantidooda.

Kala soco Wixii ku soo kordha Mudug24

Sawirada oo aad u tiro badan Waxaan u qeybinay labo Qeyb Daawo Qeybta 1 aad.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here