Home Wararka Somaliya Puntland Waa kuma Janaraalka ka soo dagaallamay Laascaanood ee hadda ciidamadiisa lagu arkay...

Waa kuma Janaraalka ka soo dagaallamay Laascaanood ee hadda ciidamadiisa lagu arkay xaafada ka mid ah Garowe?

0

Qeybo ka mid ah magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa la sheegayaa in laga maqlayo dhawaaqa hub culus.

Weriyeyaal iyo dad magaalada deggan oo la hadlay BBC ayaa tibaaxay in dhawaaqa hub la maqlay uu yahay mid ay tijaabo ahaan u ridayaan ciidamo gadoodsan oo kasoo horjeeda in la furo dastuurka maamulka.

Ciidamadan ayaa ku sugan aagga jidka soddonka ee magaalada. Sidoo kale, ciidamo kale oo kuwa dowladda ah ayaa lagu arkayaa qeybo wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, xarumaha dowladda iyo tan baarlamaanka.

Barlamaanka oo fadhigooda caadiga ah furmay toddobaadkii hore ayaa maanta shir ku leh xaruntooda.

Haddaba maxay yihiin ciidamadan?

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Janaraal Jimcaale Jaamac Takar, waxayna la baxeen Danab. Guutadan uu xukumo Janaraalka ayaa ah guuto ka soo qeyb qaadatay dagaallada Puntland.

Ciidankan ayaa isugu jira guutadii uu hoggaaminayay Janaraal Jimcaale Jaamac Takar iyo ciidamo kale oo deegaanka ah.

Waxay ka soo dagaallameen buuraha Galgala. Sidoo kale waxay ka soo dagaallameen dhinaca Suud, Garamaal iyo Garacad markii ay al-Shabaab soo weerari jirtay Puntland. Tirada ciidamadan ayaa waxaa lagu qiyaasaa lix ilaa iyo toddobo boqol. Marka laga soo tago qoryo gacmeeyada ciidankan ayaa wata toddobaatan iyo siddeetan tigniko.

Waa kuma Janaraal Jimcaale Jaamac Takar?

Burburkii dowladdii Soomaaliya ka hor waxa uu ka mid ahaa guutadii 21-aad ee Dhuusamareeb ku sugnaa.

Waa uu ka mid yahay saraakiishii ciidamadii dowladda Soomaaliya ee burburkii kaddib aadka uga dhex muuqday jabhadihii iyo ciidamadii kala duwanaa ee Puntland.

Waxa uu la soo shaqeeyay dowladihii kala duwaanaa ee Puntland. Waxaa xilkan u magacaabay madaxweynihii hore ee Puntland Cabraxmaan Faroole waxaana markaasi loo dhiibay ciidamo lagu soo tababaray Uganda iyo Itoobiya.

Dadka qaar sida ay sheegeen waxa uu ka gadoodsan yahay arrimo la xiriira xaquuqo kala duwan oo uu la sheegay inuu dowladda ka rabay balse ka waayay haddana waxaa dhacday in arrimo la xiriira siyaasadda loo adeegsaday oo ciidanka qaarkii ay ka amar qaataan qaar ka mid ah siyaasiyiinta inkasoo aysan si rasmi ah u caddeysan.

Janaraalka iyo ciidamadiisa ayaa waxa ay ka mid ahaayeen ciidamadii ka dagaal galay Laascaanood oo weliba uu dagaallo qaraar ku galay oo kagna kaga dhinteen. Sidoo kale qaar ka mid ah ciidamadii uu xukumay ayaa waxaa maxaa maxabiis ahaan u qabtay Somaliland.

Kaddib waxa uu u soo ruqaansaday Garowe oo hadda ku sugan yahay isaga iyo ciidamadiisa ku gadoodsan dowladda Maamul Goboleedka Puntland.

Ad
Previous articleXassan Shiikh oo saxiixay Magacaabista taliyaha XDS iyo taliyaha ciidanka Lugta
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qax Ka Bilowday Garowe iyo Ciidamo Soo buux Dhaafiyay Magaaladaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here