Home wararka Dalka Gurmadkii Gobalka Banaadir Hormuud ayaa u Heegan ah (Akhriso)

Gurmadkii Gobalka Banaadir Hormuud ayaa u Heegan ah (Akhriso)

0

Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud Telcom oo Xilli Walba Hormuud u aheed Shirkada Ganacsi ee Dalka Ka Jira Ayaa Bishaan Gudaheed Gurmad Weyn Ka Sameesay Deb Qasaara Geystay oo Jimcihii La soo Dhaafay Ka Kacay Qeybo Ka Mid ah Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Sidoo Kale Maanta Waxay Gurmad Aan Loo Kala Harin Ka sameesay, Dabkii Qabsaday Gooba Ganacsi ee ku Yaala Ka soo Horjeedka Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya.

Waxay Sameesay Gurmadyo Kala duwan oo Halkaan Lagu soo Koobi Karin, Waxayna Muujisay in HORMUUD ay Tahay Shirkad Shacabku uu Leeyahay.

Gaadiidka Dowlada Hoose, oo Loogu Talagalay in Bulshada loogu Adeeyo, Sidaas Uma Deg Degaan Waqtiyada Loo Baahan yahay, Gurmadkooda.

Maxaa Sababay arintaan Maanta ayaan is Weydiiyay Markii aan Tegay Debkii Qabsaday Gooba Ganacsi oo Shirkada Hormuud ay Ugu soo Horeysay in ay Bad baadiyaan Hantida Dadweynaha.

Soo Ma ahan Shacabka Soomaaliyeed Kuwa Kaliya ee Bixiya Canshuurta Dowlada, Maxaa Diidaya in Degma Kasta oo Gobalka Banaadir ah in La Geeyo 1 Gaari Dab Damis, ama 2 Gaari, Si Loo Yareeyo Qasaaraha Hadii ay Dhibaatada Nuucaan ah ay Dhacdo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here