Home wararka Dalka Maxaa Sababay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yariisow uu ka hadlo Maqaamka Muqdisho...

Maxaa Sababay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yariisow uu ka hadlo Maqaamka Muqdisho iyo sida uu u arkay.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa waxaa uu ka hadalay maqaamka magaalada Muqdisho.

Ma aha markii ugu horeysay, ee uu Yariisow ka hadlo maqaamka Muqdisho, laakin markan waxaa uu dul istaagay arrimo badan.

Cabdiraxmaan Yariisow oo arrintaasi ka hadalaya waxaa uu yiri “Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda aayahooda uga tashan lahaayeen, ulana mid noqon lahaayeen gobollada dalka aan u istaagno, isla markaana aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto aqalka sare, ha noqoto golaha shacabka, isla markaana ay noqon doonaan gobol la mid ah gobollada kale, xuquuqda gobollada kale ay heleenna ay heli-doonaan, taasina waxaa ay ku iman doontaa wadajirkeenna, midnimadeenna iyo in aan umadda Soomaaliyeed tusno in aan hormuud u nahay”.

Arrinta uu Yariisow ka hadlay waxaa laga hadlayey 7-badii sano ee ugu dambeysay, waxaana xilka ku waayey duqii isaga ka horeeyey ee isaga lagu badalay.

Thaabit Cabdi waxaa uu Janaayo sanadkii hore magaalada Muqdhiso uga dhawaaqay inuu qabanayo shir loogu magac daray “nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir”, arrintaas oo aaney  raalli ka aheyn dowladda federaalka ah.

Xil Ka Qaadistii gudoomiyihii hore gobolka Banaadair Thaabit Cabdi: xil ka qaadista Thabit waxay dhacday  January 21, 2018, waxaa ay ka dambeysay arrimo la xiriira awoodda iyo maqaamka Muqdisho, xilkiisa waxaa lagu badalay oo noqday gudoomiyaha gobolka  wasiirkii warfaafinta xakuumadda Xasan Cali Kheyre Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow.

Thabit Cabdi oo ka jawaabay ceyrintiisa waxaa uu sababta ku sheegay labo arrin: Xasiloonida iyo nabad-galyada gobolka Banaadir iyo shirkii nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here