Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Diyaaradii la dheegay inay ku Shacday Garoonka...

Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Diyaaradii la dheegay inay ku Shacday Garoonka Aadan Cadde

0

Warbaahinta qaar ayaa saacadihii lasoo dhaafay baahiyay war sheegayay in shil diyaaradeed uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed la sheegay in lugaha u bixi waayeen.

Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya ayaana warkaasi ay baahiyeen warbaahinta qaar ku tilmaantay mid been abuur ah, waxa ayna wasaaradu sheegtay in aysan jirin wax shil ah oo garoonka ka dhacay.

Agaasimaha warfaafinta u qaabilsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Maxamed Cabdi Cusmaan (Faradheere) ayaa been abuur ku tilmaamay warka la baahiyay, waxa uuna sheegay in aysan jirin habayaraatee wax shil ah oo garoonka ka dhacay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay shilal diyaaradeed, kuwaa oo sababay khasaaro soo gaaray inta badan diyaaradihii shilkaasi galay

Ad
Previous articleDad ka Cararaayay Cudur oo Ku baaba,ay Bad
Next articleSafarada Maraykanka oo shaacisay Weeraro Culus oo lagu Qaadi Doono Garoonka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here