Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Taliyihii Nabad Sugida Degmada Dooloow oo la Dilay iyo...

War Deg Deg ah:Taliyihii Nabad Sugida Degmada Dooloow oo la Dilay iyo cidii Dishay oo Gacanta lagu Dhigay

0

War layaab leh ayaa Goordhow kasoo Dhacay Degmada Doolow Dil Dad badan layaabeen ayaana Goordhow Ka Dhacay Degmadaas.

Taliyaha Nabad Sigidda Degmada Doolow Ibraahim Hilowle Xuseen ayaa Xaaskiisa ku dishay Hotel ku yaala Magaaladaas.

Gudoomiyaha Degmada Dooloow oo Warbaahinta la Hadlay ayaa Sheegay inay la Yaabanyihiin Arintaan wuxuuna Sheegay inay Gacanta Ku Hayaan Hawenaydii Dishay Taliyaha.

Wuxuu kaloo Shaaciyay  in Xaaskaan usoo Guursaday Sadex bilood kahor Dilka ayaana Ka Dhacay Hotel ay ka Daganayeen Degmadaas.

Gudoomiyaha ayaana Sheegay haweenayda inay ka Tirsanayd Alshabaab ayna Shirqool u Guursatay Taliyaha Si ay u disho Wuxuuna Sheegay inaay Baaris ku Samaynayaan.

Balse Wuxuu Sheegay inay Baaritaan Dheeri ah Samayn Doonaan Waa Taliyihii ugu Darajada Sareeyey ee naagtiisu Disho

Haweeneyda dilka geestay ayaa la sheegay in taliyaha uu ku bartay magaalada Muqdisho xilli uu shaqo u yimid, waxaana dad ku dhaw dhaw taliyaha noo sheegeen in haweeneyda iyo taliyaha uu dhax maray xiriir guur uuna shalay geeyay degmada Doolow uu degnaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in haweeneydan dilka taliyaha u adeegsatay bistooladii uu isagu lahaa, waxa ayna dilka kaddib in muddo ah ku dhax jirtay qolkii ay ku dhax dishay taliyaha.

Ciidamo katirsan nabad sugida oo gaaray hotelka lagu dhax dilay taliyaha ayaa halkaasi ka qabtay haweeneydii dilka geesatay, waxaana ku socda baaritaanno ku aadan sababta ay u dishay ninkeeda, iyadoona la tuhmayo in dilkan uu ahaa shbirqool lagala shaqeeyay haweeneydaasi.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka loogaystay Cabaas Osman Abshirow
Next articleMareykanka iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $92.6 milyan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here